Home » Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo maanta Ansixiyay degmooyin cusub

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo maanta Ansixiyay degmooyin cusub

by Weriye Ahmed Yare

Jowhar (CKG) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir guddoomiyey Kulanka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Shirkan ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Wajiga labaad ee Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhowaan bilaaban doono, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Heshiiskii Siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaaray iyo Dakhli kordhinta horumarinta hanaanka maaliyadeed ee Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa Golaha Wasiirrada Hirshabeelle uga warbixiyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Magaalada Muqdisho uga qeybgalay 24-27 bishii May.

Wuxuu Madaxweynaha Hirshabeelle sheegay in muhiimada ugu wayn ee shirkaas uu ahaa dardargalinta howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka waxa uuna xusay in dood dheer ay ka yeesheen hanaanka doorashooyinka dalka ay ugu dambeyn isla qaatay in la mideeyo doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo u dhici doonta doorasho qof iyo cod ah.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah;

  • Moqokori
  • Masaajid Cali Gaduud
  • Raaga Ceelle
  • Buurweyn
  • Buq-aqable
  • Xawaadley

Golaha Wasiirrada maamulka Hirshabeelle ayaa dood iyo falanqeyn dheer kadib, si cod aqlabiyad ah ku ansixiyay degmooyinkaasi Lixda ah.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com