Garowe (CKG) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, Arrimaha deegaanka iyo qodobo kale.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, iyagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, waxaana uu Goluhu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay.
Golaha Wasiirada ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la illaaliyo nabadda , kala danbeynta iyo Dowladnimada cidkasta oo lidi ku ahna meel looga soo wada jeesto Dowlad iyo Shacaba.
“Sida la wada ogsoonyahay Dowladda Puntland waxay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u tahay ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland.
Puntland ayaa ka digtay wax kasta oo keeni kara khalkhal gelin Bulsho, sida dadka faafinaya dacayaadka iyo qixinta dadweynaha, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Ugu dambeyn, warka ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland ayaa ku soo aadayaa xilli weli Magaalada Garoowe ay ka jiraan xiisado dagaal, isla markaana ay dadka qaarkood barakacayaan.
CodkaKoonfurGalbeed.com