Home » Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Imaaraadka iyo dal kale

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Imaaraadka iyo dal kale

by Weriye Ateera

Muqdisho (CKG) – Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo uu ku jiro heshiis cusub oo dhawaan lala soo galay dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiisyadan ayaa waxay kala yihiin;

  1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
  2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
  3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
  4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
  5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa looga dhageystay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan duufaannada la saadaalinayo inay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyi-gelin lahaa.

Sidoo kale, wasaaradaha amniga hudaha iyo gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howl-gallada lagu sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo galeysay heshiisyo caalami ah, waxaana ugu dambeeyay kan difaaca ee ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com