Home » Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

by Weriye Ateera
Muqdisho(CKG)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.
Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya , Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagula dagaalamayo Alshabaab   looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.
Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiiska Iskaashiga ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Baakistaan.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com