Home » Golaha degaanka degmada Xudur oo la kala diray(AKHRISO)

Golaha degaanka degmada Xudur oo la kala diray(AKHRISO)

by Weriye Ateera
XUDUR(CKG)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Abdullahi Haji Hassan ayaa kala diray Maamulka Degmada Huddur iyo Xubnaha golaha Deegaankaas.
Kala dirida golahan ayaa wasiirka u cuskatay markii uu arkay Sharciga Dowladaha hoose ee dowladda Koonfur Galbeed (law no.10) qodobkiisa 15aad farqadiisa (1aad) xarafka (t) iyo farqadiisa (2aad)
Inay jirto wadashaqeyn la’aan Maamulka Gabolka Bakool iyo kan Degmada Huddur maanta laga bilaabana wasiirka uu kala diray golaha Deegaanka iyo guddoonkooda.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa uu magacaabey guddi fulinaya xilka golaha deegaanka inta laga dooranayo golaha deegaanka muddo sadax bilood gudaheeda.
Wabillahi Towfiiq

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com