Home » Golaha degaanka degmada Xudur oo ansixiyay lacag lagu kabaayo waddooyinka degmadaasi.

Golaha degaanka degmada Xudur oo ansixiyay lacag lagu kabaayo waddooyinka degmadaasi.

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Golaha Deegaanka ee Degmada Xudur ayaa si wadajir ah u ansaxiyey in qasnadda Dowladda Hoose laga bixiyo lacag dhan $20,000 (Labaatan kun oo Dollar), laguna wareejin doono guddiga horumarinta Degmada Xudur (Hudur Development Committee), Lacagtaas oo lagu kabi doono dhismaha wadada Laamiga ah ee dhexmarta bartamaha magaalada, Waxaana shir gudoominaayey Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud.

Lacgataan Golaha ay u codeeyeen in laga soo bixiyo qasnadda Dowladda Hoose ee Degmada Xudur, waxayna aheyd Dakhliga kasoo xaroodey canshuurta laga qaadey Bulshada, Waxaana Daah-furka dhismaha wadada laamiga ah uu ka dhici doonaa magaalda Xudur maalmaha soo socda.

Kulankaan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamadii caadiga ahaa ee maamulka iyo golaha degaanka u dhaxeeyay kaasi oo inta badan looga hadlo xaaladaha degmada horumarintooda iyo arrimaha horu tabinta u ah degmada.

Waddooyinkaan lagu kabaayo lacagta ayaa bilioyin ka hor waxaa dah-furay maamulka degmada Xudur, wuxuuna qeyb ka yahay waddooyinka laamiga ah ee ugu horeeyay laga dhiso degmada Xudur iyadoona dhawaan la filaayo in kuwo kale asiga lamid ah in degmada laga hirgalin doono.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com