Home » Golaha degaanka degmada Buur oo gudoomiye doortay(SAWIRRO)

Golaha degaanka degmada Buur oo gudoomiye doortay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Buur-Hakaba(CKG)-Doorashadan maanta ka dhacdey Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay waxaa ku guuleystay Mudane Ibraahim Mohamed Ibraahim (Leysaamow) wuxuuna helay 11 cod halka Musharaxii la tartamayey Mudane Abdi Mohamed Ahmed (ibdow Madow) wuxuu helay 10 cod.

Doorashadan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Cabdulaahi Xaaji Xasan Wasiirka Howlaha guud Mudane Daahir Abdi Abdullahi Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Mudane Mohamud Mohamed Khaire Wasiir kuxigeenada Boostada, Shaqadada iyo Arrimaha Bulshada, xildhibaano ay kamid tahay Marwo Bishaaro Cali Nuur Guddoomiyaha Gobolka Mudane Abdifatah Mohamed Ibraahim Piano iyo masuuliyiin kale.

Doorashada duddoomiye kuxigeenka Degmada Waxaa ku tartamay Abdi Mohamed Xaaji wuxuu helay 11 halka musharixii la tartamayey Abdi Saleeban Cali uu helay 10.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com