Home » Golaha degaanka Buur-Hakab oo kulan la qateen mas’uulin ka tirsan KGS(SAWIRRO)

Golaha degaanka Buur-Hakab oo kulan la qateen mas’uulin ka tirsan KGS(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Buur-Hakanba(CKG)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS, Mudane Abdullahi Haaji Hassan ayaa kulan la qaatay 21 xubnood ee golaha Deegaanka Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Howlaha guud DFS Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi (Dr go) wasiir ku xigeenka Boostada iyo isgaarsiinta Mudane Muxidiin Xaaji Cadow, wasiir ku xigeenka shaqada iyo Arrimaha bulshada Cumar Cabdirahmaan Maxaamed xildhibaano ay kamid tahay Bishaaro Cali Nuur, guddoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cabdifatax Maxamed Ibraahim (Piano) iyo maamulka Cusub ee Degmada Buur-Hakaba.

Kulankaan mas’uulinta KGS, ay la yesheen maamulka iyo xildhibaanada cusub ee golaha degaanka Buur-Hakaba ayaa wuxuu ahaa dar-daaran iyo sidii loo samata bixin lahaa bulshada degmada iyadoona laga sugaayo shaqo adag, sidii loola xisaabtami lahaa cid kasta oo ka qeyb qaadanaayo gar gaarka iyo mashruucyada laga fulinaayo degmada iyo toolooyonk ka tirsan.

Degmada Buur-Hakaba ayaa noqoneysa degmadii lixaad ee KGS, laga dhiso golaha degaanka, waxaana laga sugayaa inay furo u noqo wax yaabaha aas aasiga u ah arimaha bulshada.

Xildhibaanada Golaha degaanka waa sharci dejiyaal iyo kuwo la xisaabtama hay’adaha nadeenaya inay mashruuco drgaanka ka fuliyaan iyo maamulka degmada.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com