Home » Golaha Aqalka Sare ee BFS oo Ansixiyay hindise sharciyeedka diiwaangelinta dadweynaha

Golaha Aqalka Sare ee BFS oo Ansixiyay hindise sharciyeedka diiwaangelinta dadweynaha

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Sabtidii maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Arrintan oo ka dhigan in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa, xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiintu waxaa ay u mahadcelinaysaa guddoonka iyo senatorada aqalka saree ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ansixintooda Hindise Sharciyeedka aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise sharciyeedkan waxaa ay golaha shacabka meelmariyeen March 1, 2023 halka golaha Aqalka sarane ay maanta gudbiyeen, iyada oo u hartay saxiixa madaxweynaha, ka dibna lagu daabici doono faafinta rasmiga ah.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com