Muqdisho (CKG) – Wareegto uu soo saaray maamulka gobolka Banaadir, ayuu ku wargaliyay Milkiilayaasha Mooto Bajaajta iyo shacabka Soomaaliyeed in la soo gebagabeeyay midabeynta iyo diiwaan galinta Mooto Bajaajta gobolka.
Wareegtada oo uu Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan ayaa lagu sheegay in uu dhaqan galayo amarkii maamulka laga bilaabo Barri oo bishu tahay 25-5-2023.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in maalinta Khamiista oo barri ah ay Muqdisho ka shaqeyneyso Mootada A ee Color-ka jaalaha oo kaliya, halka maalinta xigta ee Jimcaha ah ay shaqeyneyso mootada B ee Color-ka Buluugta.
Wuxuu ugu dambeyn sheegay, afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan, in ciddii ku xadgudubta Amarka Maamulka Gobolka ee la xiriirta Mootooyinka A iyo B la ganaaxi doono lacag dhan 100 Dollar.
CodkaKoonfurGalbeed.com