BANAADIR(CKG)-Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in maanta shaqeyn doonin gabi ahaanba ganacsatada albaabadana ay isku dhufan doonaan goobahoodi ganacsi haddii wax laga qaban cabashadooda ku aadan canshuurta dheeraadka ah ee ku soo rugtay wasaaradda maaliyadda dowladda FS.
Maanta ayay dhaqan Gali doontaa bixinta iibka ganacsi taasi oo lagu sheegay in ay tahay mid qasab ku ah ganacsatada Gobolka Banaadir.
Bayaan ay xalay soo saareen ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in ay xiri doonaan goobahooda ganacsi haddii aan wax laga qaban cabashadooda, ayadoo ganacsatada bayaan ay soo saareen ka koobanaa dhowr qodob in ay madaxda dowladda FS in ay wax ka qabtaan.
Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa si gaar ah u sheegeen in ay caqabado kala kulmaan xiliga Dekadda ay kala soo degaan agabkooda haddii laga saarin shirkadaha ka dhax sheqeeya halkaasi taasi oo ku sheegeen haddii laga saaray ay joojin doonaan ganacsigooda.
Dhinaca kale khudbad uu jeediyay xalay madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku cadeeyay in ganacsatada ay bixiyaan canshuurta lagu soo rugan taasi oo waajib ku tahay weliba ay bixiyaan %5 taasi oo lagu kaabi doono dowladda FS.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladaha deriska la ah ganacsatadooda ay bixiyaan %15 taasi oo wax looga gabto arrimaha Bulshada iyo ciidamada dalka taasi oo lagu horumarin karo dalka.Â
Codkakoonfurgalbeed.con