Home Âğ Ganacsade Soomaaliyeed oo Abaalmarin lagu Guddoonsiiyay Dalka Mareykanka

Ganacsade Soomaaliyeed oo Abaalmarin lagu Guddoonsiiyay Dalka Mareykanka

by Mohamed Adam Socdaal

Washington (CKG)- Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa ku guuleysto abaal-marinta ganacsadaha sannadka ee Maryakanka, abaalmarintaas oo ay bixiso waaxda ganacsiga yar-yar ee dowladda Mareykanka.

Kaahin ayaa dabayaaqada bishii hore ku guuleystay ganacsadaha sanadka ee gobolka Minneasota. Wuxuu dhowr makhaayadood ku leh gobolka Minnesota.

Sharaf iyo karaamo ayay ii tahay in aan aqbalo abaal-marinta shakhsiga ganacsiga yar-yar ee qaranka ee sanadka. Runtii tani waa sharaf weyn, waana ka mahadcelinayaa” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kadib guushan.

Kaahin ayaa iska leh makhaayadaha Afro Deli, kuwaas oo dhammaan cuntooyinka lagu kariya ay yihiin kuwa xalaal ah, oo qaarkood ay ka turjumaan dhaqanka Soomaaliga iyo kan Afrikada kale.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright Âİ 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com