Baydhabo (CKG)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Mudane Mustaf Cabdulaahi Xasan ayaa garoonka Baydhabo ku soo dhaweeyey Gudoomiyaasha Gobolada iyo degmooyinka Koonfur galbeed oo maanta soo gaarey Baydhabo.
Wufuudan oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeeaha hoose Mudane Ibraahim Adan Cali Najah kuxigeenka Gobolka Bakool Mudane Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa qeybta nasashada garoonka warbaahinta kula hadlay waxayna sheegeen in muhiim u yahay shirkan kuna soo aadey xili xasaasi ah oo dalka oo dhan ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al shabaab.
guddoomiyaasha gobolada iyo degmooyinka K/Galbeed ayaa beri waxaa Baydhabo ugu furmi doona shir mudo socon doono oo loogu hadlaayo xaaladaha guud ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha dowladda iyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeeg daadajenta.
shirkan ayaa waxaa la filaya in Madaxweynaha koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo qeyb ay ka tahay howlgalada la doonayo in K/Galbeed ay ka bilowdan wajiga labaad ee howlgalka Libax” Madow” oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqey.
Codkakoonfurgalbeed.com