Boorama (CKG) – Waxaa maanta magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliga ku geeriyootay Fanaanaddii weyneed Aamino Cabdullaahi Xirsi.
Allaha u naxariisto, Aamina Cabdullaahi, waxay kamid ahayd haweenkii ku biiray fanka Soomaaliyeed bartamihii 1960-yadii, iyadoo sidoo kale aheyd heesaa iyo majaajilayste.
Riwaayadihii ay jishay, ayaa waxaa kamid ahaa Dab jaceyl kari waa, Bidaar sibiq bay kugu gashaa, Galbeed waa la xorreeyey, iyo kuwo kale oo badan.
AUN Aamino Cabdullaahi Xirsi ayaa ifka kaga tagtay Lix Carruur ah oo ay u kala dhashay, Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) iyo Allah ha u naxariistee Fannaankii Cabdiraxmaan Dheere.
CodkaKoonfurGalbeed.com