Home » Fafaahin ayaa laga helayaa weeraradii lagu soo qaaday Baydhabo(SAWIRRO).

Fafaahin ayaa laga helayaa weeraradii lagu soo qaaday Baydhabo(SAWIRRO).

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)– Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa ku geeriyootay weeraro xalay kooxda al-shabaab ay ku soo qaaday labo fariismo ay ku kala yalaan waddooyinka laga soo galay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Labadaan bar kontoroon ay weerarka ku soo qaaday kooxda al-shabaab ayaa waxaa fariisan u ah ciidanka qeybta 60, aad iyo kuwa maamulka KGS. Iyadoona halkaasi laga ilaaliyo amniga magaalada.

Weeraradaan ayaa qaatay daqiiqado kooban, iyadoona kadib dib iskaga laabteen kooxda al-shabaab, mana jiraan qasaaro la ogyahay oo soo gaaray dhinacooda.

Degaanka makuudo oo kamid ah meelaha inta badan kooxda al-shabaab ay ka soo weerarto magaalada Baydhabo ayaa kuwii ka horeeyay weeraradaan ka dhashay qasaaro badan oo labada dhinac ah.

Ilaaliyo hadda ma jiraan saraakiil ama laamaha amniga Baydhabo ka hadlay labadaan weerar lagu soo qaaday Baydhabo.

Codkakoonfurgalbeed.

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com