Home » Faallo kooban oo ku saabsan degmada Xudur.

Faallo kooban oo ku saabsan degmada Xudur.

by Weriye Ateera

Xudur(CKG)-Magaalada Xudur waa Magaalo Soomaaliyeed waa Caasimadda Gobolka Bakool, waa Magaalo go’doonsan in ka badan 10sano dhammaan wadooyinka soogala ay xiran yihiin, hase ahaatee nolosha gudaha ay socoto oo aadan ka dareemeynin walow maciishada ay qaali tahay.

Dhismo ahaan Magaalada Waxey ka mid tahay Magaalooyinka kobcaya walow ay adag tahay hadana waxaa jiro Ganacsato udhabar adeegay oo utaagan hormarka deegaanka.

Magaalada waxey ka kooban tahay dhoor Xaafadood oo ah inta aan tagay ayadoo ay ka badan karaan waanna sidan hoose:

1.Buullow

2.Cammaari

3.Buulojadiid

4.Buulomijhing

5.Horseed

6.Sheekh Awees

7.Shiidli/Shiidlow

8.Dayuuri

9.Moorigaabey

Magaalada waxaa ku yaallo Goobbo caan ah oo Taariikhi ah waxaanna ka mid ah:

1.Warta Saalax Xabiib

2.Masjidka Buullow

3.Masjidka Jaamaca

4.Isbitaalka Gobolka Bakool oo hadda dhismo aad uqurux badan loo sameeyey

5.Hotel Kontomo

6.Hotel Banjanaay

7.Garoonka Dr.Waaberi

8.Ceel Cammaari

9.Maareeraha Isteeshanka (Fagaaro ciyaar loogu ballamo)

10.Dugsiga sare ee Xudur

11.Saweeda

12.Buriya

13.Shantarka Basketball-ka

Magaalada waxaa ka dhisan gole deegaan oo gudoomiyahooda doortay.

Maamulka Xafiisyo ayaa udhisan sida: Xafiiska Maamulka Degmada, Xafiiska Maamulka Gobolka Bakool, Xarunta Madaxtooyada KGS.

Waxaa kaloo Magaalada xarumo kuleh: Idaacadda Xudur iyo Idaacadda Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xarunta Saldhigga Booliiska, Maxkamadda oo ah dhismo dadka deegaanka isxilqaan ay ku dhiseen.

Magaalada waxaa ka hoolgala Hay’ado caalami ah iyo kuwo gudaha ka shaqeeya, waxeyna kaalin weyn ku leeyihiin nolosha iyo dib udhiska Magaalada.

Amniga Magaalada waa mid aad loo adkeeyey meel walba oo aad kasoo gashid, marka ugu horeysa oo aad Garoonka kasoo gashid, waxaa kula hadlaayo dhallinyaro aqoon leh, deggan oo muuqaal ahaan dhisan, waxeyna ku weydiinayaan Dammiin oo ah qofka masuulka kaa ah, waxaanna lagaa qoraa Magacaaada dhameestiran iyo Nambarkaada Taleefanka.

Gudaha Garoonka ama ( terminalka) mahelin xuquuqdii uu lahaa oo ah qalabkii loogu talagalay inay ku shaqeeyaan Waaxda Socdaalka , marka laga reebo Qaar ka mid ah Dhallinyarada oo xiran Lebiska Saraakiisha Waaxda Socdaalka.

GUDAHA MAGALAADA

Xilliga Salaadda qofna kuma arkeysid asagoo fadhiyo goobaha lagu Shaaho, dhammaan ragga waxa ay ukala dareeraan Masaajidada waa dhaqan aad uqurux badan oo aan la dhacay Ilaahey ha usiyaadiyo reer Xudur.

Midda kale xilliyada duhuradii qofna kuma arkeysid gudaha Magaalada, hase ahaate wixii ka danbeeya 11saac Galabnimo Magaalada waa soo buuxdhaafeysaa.

Mar haddii lagaaro Maqribkiinna ma arkeysid gaari soconaya marka laga reebo Baabuurta Gargaarka degdegga ah(Ambulance), ama Bajaj lagu wado qof Bukaan ah.

Korontada Magaalada waa Solar-ka Cadceedda ku shaqeeya, maadaama ay jiraan meelo laga isticmaalo Matooro gacanta ah.

Baalooyinka Wadada ku xiran waxaa ifinayo Solar-ka Qoraxda ku shaqeeyo

HABKA LOO GUURIYO AROOSKA XUDUR

3 Gaari ka badan lama ogola in lagu guuriyo Aroosadda, haddii laga madax adeego waxaa lagu ciqaabaa in habeenkaas Baabuurta ay seexdaan saldhigga, goaamada ay gaaraan maamulka Xudur waa mid ay uhogaansamaan Bulshada.

Goobaha waxbarashada si fiican ayey ushaqeeyaan dhallinyarada heerarkooda waxbarasho ma xuma waxaanna ku yaallo ilaa 4 Dugsi sare oo nidaami ah oo isugu jira kuwo Dowladda maamusho iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay maadaama ay kawada siman yihiin Manhajka lagu dhigo Iskuulada.

Waxaa sidoo kale ku yaallo iskuulo si gaar ah loogu barto Luuqadaha iyo weliba Caafimaadka.

Maalmihii aan joogay Xudur waxaan booqday goobbo badan oo taariikhi ah oo aad uqurux badan, maalmo xusuus badan ayey ii ahaayeen, si sharaf iyo gobonimo leh ayaa la iigu soo dhaweeyey waanna ku faraxsanahay, sharaf ayaad leedihiin reer Xudur.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com