Home » Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Weerer Madaafic Oo Xalay Shabaab Ku Weeraray Xarardheere

Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Weerer Madaafic Oo Xalay Shabaab Ku Weeraray Xarardheere

by Mohamed Adam Socdaal

Xarardheere (CKG)- Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay waxa ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo kamid aheyd degmooyinkii dhawaan ciidanka xoogga dalka ay Shabaabka ka qabsadeen.

Illaa 6 madfac ayaa lagu weeraray Saldhig ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin degmada, kuwaasi oo ay dadka deegaanka sheegeen inay maqlayeen jugtooda ayna cabsi ku abuurtay, maadaana xilli saq dhexe ah madaafiicda lasoo tuuray.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen xaafaddo ay Xarardheere ka degan yihiin dad shacab ah, halka kuwo kalena ay ku dhaceen banaanka saldhiga ciidamada ee degmadaas, weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Maamulka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaan weli wax faah faahin ka bixin weerarkaas loo adeegsaday madaafiicda ee Al-Shabaab ku qaaday degmadaas, illaa guud ee degmada ayaa saaka lagu soo warramayaa inay tahay mid degan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ay howlgalo ka wadaan deegaano hoostaga Xarardheere iyo gudaha degmada, waxaana saraakiisha howlgalka ku jira laga soo xigtay in ujeedka howlgalka uu yahay mid amni xaqiijin ah.

Degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay, waxaana haatan si wadajir ah uga howlgala ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com