Wednesday, February 28, 2024
More

    Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Weerar Qaraxyo Ku Billowdey Oo Ka Dhacay Masaguwaa.

    Masaguwaa (CKG)- Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaaya in Xubno ka Tirsan Alshabaab ay  weerareen farriisin ciidanka dowladda iyo kuwaa degaanka ay ku lahaayeen degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

    Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyaadaa Weerarkan  wxa ay sheegeen in aay qabsaadeen gaadiid dagaal iyo saanad milatari , balse Saraakiisha Dawlada Federaalka eek u sugan degaan Masagawaa aya sheegay in ay iska caabiyeen Weerarka Alshabaab ay ku soo qaadeen degaankaas.

    Hase’ahaatee Khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxayna dowladdu sheegtay in Alshabaab lagu jebiyay weerarkaas.

    Ciimada dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ayaa la sheegay in ay ka hortageen Qaraxyo lagu soo xiray Xubno ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo isku dayay inay gudaha u galaan fariisinka ciidanka.

    Dhawaan ayay ahayd markii Alshabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud balse iska cabin ay kala kulmeen Ciidanka Dawlada federaalka soomaaliya iyo kuwa degaanka ee halkaas ku sugan.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com