Home » Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

Ergo loo dirayo Colaado Laas-Caanood oo ka baxaya Muqdisho

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Waxaa lagu wadaa in Maalinta Berito oo Sabti ah in magaalada muqdisho ay ka ambabaxaan Ergo Nabadeed oo ah Odayaal Dhaqan, kuwaas oo tegaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Odayaashaan oo ka socda dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa ujeedkoodu yahay inay wada hadal la yeeshaan Isimadda Dhaqanka SSC, kulankaas oo ku saaban sidii nabad loo raadin lahaa, loona joojin lahaa dagaalka Magaalada Laas-Caanood.

Magaalada Garoowe waxaa ku sugan qaar kamid ah isimadda dhaqanka SSC wada hadallada  la yeelan doona Isimadda kale ee tagaya, waxaana warar kale ay sheegayaan in Odayaasha Dhaqanka ee ka baxaya Muqdisho ay tegi doonaan Magaalada Hargeysa ayna la kulmi doonaan Madaxda Somaliland, iyaga oo kala hadlaya sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Odayaasha Dhaqanka Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee SSC ayaa horay u shaaciyay in aysan wada-hadal la galeen Somaliland ilaa ay Ciidankeeda kala baxeyso Gobolka Sool.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com