Wednesday, February 28, 2024
More

    Ergeyga Gaar Ah Ee Madaxweynaha JFS U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliland Oo Kulan La Qaatay Ururada Bulshada Ra’yidka (SAWIRRO)

    Muqdisho (CKG)- Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kullankan oo ahaa mid wadatashi ah ayaa diirada lagu saaray sida loo xoojin karo wadahadallada Somaliland, iyo doorka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ka qaadan karaan ka miro-dhallinta dedaalada xooggan ee ku wajahan wadahadallada Soomaaliya iyo Somalilan.

    Qaar ka mid ah Masuulliyiinta Ururada Bulshada Rayidka ee ka qeyb galay kullanka ayaa soo jeediyay tallooyin aad muhiim u ah, waxaana ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin la shaqeynya Xafiiska Ergeyga, ayna ku biirinayaa waxkasta oo xoojinana Ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland.

    Ergayga ayaa uga Mahadcelinayay tallooyinka wanaagsan oo ay la wadaageeyn Ka qeyb galayaasha, waxaana uu tilmaamay in kaallinta Bulshada Rayidka ee wadahadallada Somaliland ay tahay mid aad muhiim u ah, ayna qorsheynayaan in ay qaataan door hoggaamineed oo horseedaya isdhexgalka Shacabka walaalaha ah.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com