Home » Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Somaailand oo oo la kulmay Kusimaha Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe

Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Somaailand oo oo la kulmay Kusimaha Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)– Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta xafiikeeda kula kulmay Kusimaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Marwo Anita Kiki Gbeho, waxaana uu uga mahadcelayay dowrka Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Dowlad dhiska iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa Kusimaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadalada Dowladda Fedaralka iyo Somaliland, iyo sidoo kale in Dowlada Soomaaliya ahmiyad gaar ah siineyso wadahadalaasi.

Kusimaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa u ballanqaaday Ergeyga in ay si dhow ula shaqeyn doonaan, waxaana ay adkeesay sida diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta iyo goor kasta.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com