Home » Duqa Muqdisho oo kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane İbrahim Mete Yağlı, uguna hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dib u doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi karin kaalinta uu Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisa ku leeyihiin Dawlad-dhiska iyo horumarinta Dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaasna u rajeeyay shacabka iyo Dawladda Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda.

Danjie İbrahim Mete Yağlı, ayaa ugu mahadceliyay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir dareenka walaaltanimo oo ay ku muujiyeen farxadda guusha dib-u-doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan.

Wuxuu xusay danjiraha Turkiga, in talaabadaasi ay ka turjumeyso xariirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale iyo Danjire Ibrahim Mete Yaglim ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka Dowladda Turkiga iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dar-dargelinta Mataaneynta Muqdisho iyo Magaalooyinka dalka Turkiga iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga iyo is-dhaafsiga aqoonta.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com