Muqdisho (CKG) – Senator, Cisman Xaaji Maxamuud Dufle, ayaa sheegay in labada gole ee Baarlamaanka XFS uu horyaallo sharci ku saabsan nidaaminta daawooyinka aasaasiga ah ee ganacsi ahaan loo keeno gudaha Dalka Soomaaliya.
Dr. Dufle oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta Qaranka ayaa xusay in sharcigaan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda caafimaadka XFS uu ujeedku yahay in si wadajir ah looga hortago daawooyinka ganacsiga, gaar ahaan kuwa loo isticmaalo sida qaldan.
Senatorka waxa uu tilmaamay in haatan ay socdaan dooddo ku saabsan sharcigaasi, isla markaana uu dhowaan soo bixi doono sharci adag oo lagu xakameynayo ganacsiga daawada, gaar ahaan daawooyinka loo isticmaalo sida qaldan.
Dr. Dufle, waxa uu qiray in ay lagama maarmaan tahay in gacanta dowladda lagu maamulo daawooyinka oo muhiim u ah nolosha dadka,si ayuu yiri looga badbaado qataraha ka imaan kara sida qaldan ee loo adeegsado daawooyinka qaar.
CodkaKoonfurGalbeed.com