Home » Dowladda Talyaaniga oo Gaadiid ugu deeqday Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga oo Gaadiid ugu deeqday Dowladda Soomaaliya.

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdishu (CKG) –  Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliiska ayaa Ka Qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska JFS.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay Madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Alshabaab.

Wasiir Dowlaha Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga JFS.

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com