Baay (CKG) – Abshir Axmed Macalin oo muddo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Ninkaan ayaa ka tirsanaa qeybta ay Al-Shabaab ugu yeerto Jabhadaha, wuxuuna sheegay inuu ka soo dagaallamay qeybo kamid ah gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee howlgalka ATMIS.
Abshir ayaa sheegay inuu u dul-qaadan waayey dhibaatada duurka ku heysata Al-Shabaab dhibaatada joogtada ah ee shacabka aan waxaba galabsan ay ku hayaan, wuxuuna raggii kala tirsanaa ugu baaqay inay isaga soo tagaan.
CodkaKoonfurGalbeed.com