Home » Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Isxaaq Macalin Aadan oo magaca Al-Shabaab looga yaqaano uu yahay (Isxaaq Calooley) ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad ee ka howlgasha degaannada Koonfur Galbeed.

Isxaaq ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhadda weerarada fulisa, isaga oo ka qeyb qaatey dagaalo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolada Baay, Gedo iyo Shabeellaha dhaxe oo ka kala tirsan Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Isaaq oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in sababta ku kaliftey in Al-Shabaab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay u geysaneyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dhibaatooyin dhexdooda kajira.

Isxaaq ayaa baaq u direy Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday inay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya si ay dadkooda uga mid noqdaan.

Dhowr jeer ayaa taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka waxaa isku soo dhiibay Xubno iyo Saraakiil katirsanaa Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo bandhigay Magaalooyinka kala duwan ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com