Home » Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Burburisey Fadhiisamo Al Shabaab Ku Lahayeen Galgaduud

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Burburisey Fadhiisamo Al Shabaab Ku Lahayeen Galgaduud

by Mohamed Adam Socdaal

Galgaduud (CKG)- Ciidanka xooga dalka ayaa burburiyay fariisimo Alshabaab  ku lahayd  Ceel biyoodyo ku yaalla magaalo Dalxiiseedka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad Kornayl Saneey Cabdulle ayaa sheegay in Alshabaab ay ugu galayaan Gododka iyo Geedaha ay ku dhuumaaleeysanayaan.

Taliyaha ayaa sheegay Intii uu socday howlgalka Ciidamada ay  bixiyeen Miinooyin Alshabaab ay geliyeen Jidadka ugu mashquulka badan ee ay isticmaalaan shacabka Gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe Kaas  oo  isku  xira Wabxo, Budbud iyo Galcad.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com