Home » Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka loo heysto Eedaha musuq maasuq

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka loo heysto Eedaha musuq maasuq

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Sida uu xaqiijiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka saddaxdii bil ee lasoo dhaafay waxaa uu ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed.

Afartanka Ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh.

Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ayaa dhawaan shaaciyay in 9 qof oo loo heysto eedo la xiriira musuq maasuq ay dalka ka baxsadeen, kuwo kalena xiran yihiin.

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com