Home » Dowladda Soomaaliya Oo Saxiixdey Heer Bixinta Aaga Shatiyadda, Kormeerka, iyo Ilaalinta Aaga Dhaqalaha

Dowladda Soomaaliya Oo Saxiixdey Heer Bixinta Aaga Shatiyadda, Kormeerka, iyo Ilaalinta Aaga Dhaqalaha

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Wasiirka wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah iyo Maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howlgala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Xeerkan oo ka kooban 6 cutub iyo 27 qodob waxa uu jaangooynayaa habraacyada bixinta ruqsadaha maraakiibta qalaad, maraakiibta lawada leeyahay (joint venture) iyo maraakiibta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale qeexayaa dhammaan shuruudaha lasocdka, dabagalka iyo kormeerka maraakiibta kalluumeysiga, isaga oo faahfaahinaya ujuurooyinka, curaarta iyo khidmooyinka lacageed ee shatiyada kala duwan iyo ruqdaha kale ee Kalluumeysi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa 21-kii Bishii Maarso saxiixay sharciga Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed kadib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen.

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com