Galcad (CKG)- Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo Gorgor ayaa maanta lawareegay Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaliya.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhoowr jiha kagalay Magalada Galacad , Waxayna kusameeyeen baaritaano si loo xaqiijiyo Amniga Degmada,sida uu Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , Gen:Odawaa Yuusuf Raage .
Al shabaab ayaa isaga caray Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud Maadaama ay ubabac dhigi waayeen awooda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Xogga dalka.
Codkakoonfuegalbeed.com