Home » Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeybgashay Kulan Degdeg Ah Oo Loogu Hadlayey Xaalada Dalka Sudaan

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeybgashay Kulan Degdeg Ah Oo Loogu Hadlayey Xaalada Dalka Sudaan

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)– Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka H.E Dr. Cli Haji Adam ayaa maanta ka qeybgalay Shir deg deg ah oo ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Caafimaadka ee dalalka Carabta kaas oo looga hadlayay arrimaha kasoo cusboonaaday wadanka Sudan.

Wasiirka Caafimaadka Sudan dr Haitham Awad ayaa ka warbixiyay xaalada qeybta Caafimaadka ee dalka Suudaan iyo dhibaatooyinka kasoo gaaray dagaalada ka qarxay wadankaasi, warbixinta ayuu Wasiirku ku codsaday in lalasoo gaaro gurmad Caafimaad oo deg deg ah iskuguna jira dawooyin iyo agab Caafimaad, maadaama Isbitaallo badan ay soo gaareen burbur baaxad leh.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden Abubakar oo qeyb ka ahaa Shirka ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Suudaan dhibaatada kasoo gaartay shaqaaqooyinka ka socda Caasimadda iyo gobolada kale ee wadanka Suudaan waxa uuna sidoo kale Alle uga baryay in uu ugu deeqo nabad waarta.

Golaha ayaa u muujiyay garab istaag walaalnimo walaalahood Suudaan, waxeyna go’aamiyeen in goobaha xaaladuhu saameeyeen la gaarsiiyo gurmad deg deg ah oo dhanka Caafimaadka ah, kaasoo iskugu jira Dawooyin iyo agab Caafimaad.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com