Home » Dowladda Soomaaliya oo diiwaan-gelineysa dhaqaatiirta iyo Isbitaallada ku yalla dalka

Dowladda Soomaaliya oo diiwaan-gelineysa dhaqaatiirta iyo Isbitaallada ku yalla dalka

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Aadam ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay billaabeyso dhawaan diiwaangelinta iyo Shati siinta Isbitaallada iyo Dhaqaatiirta ka howlgasha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in looga baahan yahay inay kala Shaqeeyaan Arrintaas Guddiga labada gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed si ay Bulshadu u helaan Dhaqaatiir iyo Isbitaallo tayo leh oo si wanaagsan ugu adeega.

Wuxuu intaasi raaciyay hadalkiisa wasiirka caafimaadka XF Soomaaliya, in ay ka Shaqeeynayaan sidii loo hubib lahaa in dhaqaatiirta ka Shaqeeysa ay yihiin kuwii ku haboonaa oo fursad u heysta inay dadka daaweeyaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Aadam ayaa hadalkiisa ku soo aadaya xilli uu sheegay dhawaan inay jiraan kuwo ku Shaqeysta inay yihiin dhaqaatiirta.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com