Home » Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland Oo ka Shiray Xal U Helida Arrinta Gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Jubbaland Oo ka Shiray Xal U Helida Arrinta Gobolka Gedo.

by Mohamed Adam Socdaal

Nairobi (CKG)- Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Doodishe.

Kulankan  ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubaland ayaa lagaga hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha Gobolka Gedo.

Kulankan oo daba socday kulankii hore ayaa la isla soo qaaday sidii Degmooyinka Gobolka Gedo loo gaarsiin lahaa adeegyada ay bulshada u baahan yihiin iyo sidii looga hergalinlahaa degmooyinka gobolka  Gole degaan.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa taagan khilaaf ka dhashay arrinta Gobolka Gedo kadib markii dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu degmooyinka Gobolka Gedo kala wareegay Maamulka Jubbaland, hayeeshee dowladda hadda jirta ay weli xal u keeni la’ahay arrinta Gobolka Gedo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com