Home » Dowladda oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii maqaayad kutaalla Xeebta liido

Dowladda oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii maqaayad kutaalla Xeebta liido

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay soo afjareen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo weerarka ku qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ay toogteen dhammaan raggii weerarka soo qaaday.

Inta uu socday hawlgalka ciidamada ammaanka waxa ay gudaha hotelka ka soo badbaadiyeen shacab farabadan oo goobta ku sugnaa.

Ilaa iyo hadda faah faahin rasmi ah lagama helin khasaaraha dhimasho iyo midk dhaawac ee ka dhashay weerarka, hayeeshee laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa inay faah faahin ka bixiyaan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com