Home » Dowladda oo gurmad u fidisay qoysas uu saameeyay Roobkii ka da’ay muqdisho

Dowladda oo gurmad u fidisay qoysas uu saameeyay Roobkii ka da’ay muqdisho

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Iyadadoo sacadihii la soo dhaafay Magalaada Muqdisho uu ka da’ay Roob Xooggan oo geystay qasaaro iskugu jira dhimasho, Burbur soo gaaray Guryo iyo Gadaadid,Biyaha badan oo ka dhashay Robkaasna ay buux dhaafiyen xaafaddo iyo inta badan Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimada ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA waxa ay gurmad balaaran u fidisay xalay dad badan oo guryahooda biyaha ugu galeen kuwaas oo xalay si KMG la iskugu geeyey degmada wartanabada ee Gobolka Banaadir

Hay’adda SoDMA ayaa xalay gawaari nuuca xamuulka qaada ah oo sida Raashinka qeybhiisa kala duwan iyo Dhar waxa ay gaarsiisay boqolaal dad ah oo sameen Roobkaas ka so gaartay iyadoo gargarkaan ku daabushay xarunta degmada wartanabada si loo sii gaarsiiyo degmooyinka kale ee dhibatada roobkaas ka soo gaartay bulshada ku nool.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiobioyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay wehliyaan Raisulwasaare ku xigenka XFS Saalax Axmed Jaamac, Wasiiro,Guddoomiyaha Gobolka Banadir,Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa gargaarkaan gudaha degmada Wartanabada ugu qeybiyey qoysas biyaha ay la tageen guryahooda,iyogona kormeeray biya xireeno ku yaala degmooyinka, Waabari, Wadajir, Howlwadaag,Wartanabada iyadoo dadka danyarta ah lala gaaray Booyado biyaha xafadooda ka bixiya.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com