Home » Dowladda oo faah faahisay sababaha hakiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Dowladda oo faah faahisay sababaha hakiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin guud waxaa ay ka bixisay sababihii ay u hakadeen howlgalladii xooganaa ee ka dhanka ahaa Urruaka Al-Shabaab oo ay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ka wadeen degaano katirsan Gobolada dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in markii dagaal la galo u imaanayo khasaaro soo gaara askarta dowladda, balse Ciidamada ay waxkata u diyaarsan yihiin.

Wuxuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay u diyaarsanyihiin howlgallada, balse sababaha ugu weyn oo ay u istaageen howlgallada ay yihiin in la helo Ciidamo degaanka ah oo iskaashi siiya Ciidamada xoogga dalka ee la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiggan wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in sidoo kale loo baahan yahay abaabulka howlgallada ee dhinaca Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya si meelo badan oo Al-Shabaab ku sugan yihiin looga xorreeyo.

Muddo ka badan Afar Bilood ayaa waxaa hakad kujira howlgalladii ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socday dalka, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in wajiga labaad ee howlgallada ay ka qeyb geli doonaan dalalka safka hore, sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com