Home » Dowladda Mareykanka Oo Sheegtay Inay Duqeymo La Beegsatay Fadhiisimo Al Shabaab Ku Lahayeen Gudaha Soomaaliya

Dowladda Mareykanka Oo Sheegtay Inay Duqeymo La Beegsatay Fadhiisimo Al Shabaab Ku Lahayeen Gudaha Soomaaliya

by Mohamed Adam Socdaal

Jilib (CKG)- Hogaanka Afrika ee Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in 20-kii May, 2023 ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah fariisimaha Al-Shabaab, waxaana si gaar ah weerarkaasi looga fuliyay magaalada Jilib ee dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda kama warbixin tirada inta dagaalame ee ay dileen iyo khasaaraha, balse waxaa ay sheegen in weerarkaas ay fuliyeen.

Horay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in weerarka ay ku beegsadeen bartilmaameedyo gaar ah, oo ay kadhasheen khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Al Shabab. Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay”ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com