Baydhabo(CKG)-Dowladda hoose ee degmada Baydhabo ayaa waxay waddaa dadaalo lagu sii xoojinaayo sidii wax badan loogu qaban lahaa dadka boqolaalka ah ee ku soo barkacay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.
Dowladda hoose ee degmada Baydhabo ayaa horey u qabatay shiraar waa weyn oo looga hadlaayay dhameystirka qodshe howleedka magaalada Baydhabo.
Shirirkii uga dambeeyay oo ka soo qeyb galay hay’ado badan kuwo joogay iyo aaladda fogaan araga kaga qeyb gala, bulshada kala duwan iyo maamulka degmada ayaa hay’adaha balan qaaday wax ka qabashada arimaha barkacyaasha Degmada Baydhabo.
Maamulka degmada Baydhabo oo mas’uul ka ah nolosha barkacyaasha ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidii wax loogu qaban lahaa, waxaana maamulku xoogga saaray sidii lagu gaar sii n lahaa adeegyada aas aasiga ah. Guryo, rashiin, biyo iyo korontada, iyadoona ay jiraaan shirar uu ka qeyb galay gudoomiyaha maamulka degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Maxamed (Watiin) oo looga hadlaayay arimaha biyaha baydhabo. ayaa shirkadaha biya ka codsaday in ay iyagana kaalintooda ay ka qataan sidii dadka barkacyaasha ay u heli lahayeen biyo caafimaad leh oo ku filan.
Si hadaba loo xoojiyo wax ka qabashada arimaha barkacyaasha ayaa gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada Mudane Cabdulahi Cali Maxamed (watiin) ayaa kormeer ku tagey Xarada barkacyaasha ee Barwaaqo oo kutaala duleedka magaalada Baydhabo meeshaas oo mashaariic hormarineed ay kawado Hay’ada IOM
Gudoomiyaha iyo mas’uulinta IOM ayaa qimeyay xaaladooda iyadoona hay’adda IOM kaalin weyn ka qadanayso sidii ay u taageeri laheyd dowladda hoose ee degmada Baydhabo oo marti galinayso barkacyaal badan oo xaalado kala duwan ay ku kala jiraan.
Codkakoonfurgalbeed.com