Home » Dowladda Hindiya oo ballan qaad u sameeysay Soomaaliya

Dowladda Hindiya oo ballan qaad u sameeysay Soomaaliya

by Mohamed Adam Socdaal

Hindia (CKG)- Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Galbeedka Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda India Dr. Pradeep Rajpurohit.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Abdifafah Abdullahi Nur iyo Mudane Axmed Aadan Maxamed lataliye sarre iyadoo kulankaas looga hadlay in dowladda Hindiya fududeyso fiisooyinka caafimaadka gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan.

In dowaladda Hindiya Soomaaliya ugu deeqi doonto shixnado daawo iyo qalab caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed gaar ahaan goobaha dagaalada xooggan ay ka wadaan ciidamada Dowladda.

Dhankale Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ee ku yaala Magaalada New Delhi isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka.

Wasiirka ayaa kala hadlay maamulka cisbitaalka in dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka usoo doonta laga ilaaliyo ka faa’iidaysiga isla markaana la siiyo adeegyo hufan, waxaana uu ka codsady in loo sameeyo bukaannada Soomaalida macaamil gaar ah oo dhinacyada dhaqaalaha ah.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com