Home » Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo ka shiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo ka shiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Kulan looga hadlayey sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay xarunta ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Doowladaha Safka hore oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

Kulanka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Doowladaha Safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare, safiirka dowlada Kenya u fadhiya Soomaaliya Ambassador Thomas Chepkuto, saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Kenya.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com