Home » Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada caafimaadka

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada caafimaadka

by CKG Editor

Addis Ababa (CKG) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Maxamed Xassan Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Dr. Lie Wasiirka Caafimaadka dalka Ethoipia.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadilahaa iskaashiga labada Wasaaradood ee dhinaca khibrad wadaaga iyo dhismaha kaabayaasha adeegga caafimaad.

Waxayna isku afgarteen in Ethiopia ka caawiso Soomaaliya sare uqaadista tayada aqoonta, khibarada shaqaalaha caafimaadka iyo horumarinta xarumaha caafimaadka Qaranka.

Sidoo kale, Labadda Wasiir ayaa isku afgartay in iskaashiga Wasiirada Bariga Afrika sare loo qaado, isla markaana si wadajir ah Wasiirada Wasaaraddaha caafimaadka ee wadamada Bariga Afrika ka wadashaqeyaan horumarinta tayada caafimaadka Bariga Afrika.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com