Beladweyne (CKG)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM) Mr. Guy Griffin.
Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, qabsoomida doorashada Goleyaasha degaanka Puntland ee 25 May 2023, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Puntland.
Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee Puntland ka qabatay barnaamijka geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya.
Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyey Xafiiska UNSOM xoojinta wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Puntland.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay doorashooyinka Golayaasha degaanka ee la filayo inay dhacdo 25-ka Bishaan, kuwaas oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Puntland.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa in magaalada Baladweyne ay ka jirto xaalad bani aadamnimo oo aan saamexeynin in laga qabto imtixaanka shahaadiga ah ka dib markii ay fatahaada webiga ka qaxeen kumanaan qoys.
“Ardayda Baladweyne waxaa loo diyaarin doonaa imitixaan gaar ah oo ay geli doonaan marka ugu horeysa ee suuragal noqoto, wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo dowlad goboleed ayaana arrintaas ka wada shaqeyn doona” ayuu yiri Xamse Barre
Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu shaacinayay natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay, taasi oo soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.
Si kastaba, 27-ka bishan May ayaa lagu wadaa inuu qeybo ka mid ah dalka ka bilowdo Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare sida ay horey u shaacisay Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya.
Codkakoonfurgalbeed.com