Home » Dowlada Imaaraadka Carabta Oo Gaadiid Dagaal Oo Fara Badan Ku Wareejiyey Jubbaland +Sawiro

Dowlada Imaaraadka Carabta Oo Gaadiid Dagaal Oo Fara Badan Ku Wareejiyey Jubbaland +Sawiro

by Mohamed Adam Socdaal

Kismaayo (CKG)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaadiid farabadan oo nooca dagaalka ah ku wareejisay dowlad Goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe, gaadiidkaas ayaana laga dejiyay dekadda magaalada Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan kuwaas oo sida la tilmaamay ka qeyb qaadan doona dagaalka ka socda deegaanada maamulkaasi.

Dowlada Jubaland ayaa  Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland” ayaa lagu yiri qoraalka.

Imaaraadka ayaana gaadiidkan ku wareejiyay mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Jubbaland, waxa ayna Imaaraadka Carabta ugu tala galeen gaadiidkan in loo adeegsado howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Gaadiidkan dagaal ee lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in deegaannada maamulkaasi ka bilowdo howlgalo balaaran oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolada Jubbooyinka.

sawiro

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com