Wednesday, February 28, 2024
More

    Dowlad goboleedka KGS oo go’aan ka soo saartay xaaladaha ka taagan magaalada Baydhabo.

    Baydhabo(CKG)-Xaalado adag ayaa weli ku jirtaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib markii maalmo ka hor kooxda al-shabaab sheegtay in wax gaadiid ah sida gali karin magaalada.

    Madaama sedaxda waddo ee laga soo galo gadiidka si toos ah wax uga soo galin karin ayaa haddana waddada xiriirsa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ah xiligaani midda ugu muhiimsan taasi oo ah waddada labada dhinacba ay ka helaan canshuuro adag.

    Maciishada qadur daruuriga iyo shidaalka oo ka imaan jiray Muqdisho iyo gobolada kale ayaa ee soo mari jireen ayaa AS amartay in magaalada Baydhabo gali karin.

    Xirnaanshaha wadadaan ayaa lagu sheegay in ay salka ku heyso kadib markii laamaha amaanka ay xireen qaar kamid ah maamuliyaasha Iskuulada Baydhabo kadib markii kooxda AS ay u wacday, lakiin qaar kamid ah ayaa gaaray degaankii loogu wacay, kooxda AS ayaa xiraanshaha wadadaani u sababaysay maamuliyaashaasi oo laamaha amniga ay xireen.

    Maamulka KGS, oo horay amaro badan ay ka soo sareen dadka u taga kooxda AS sharciga ay la tiigsan doonaan ayaa laga yabaa in maxkamad la soo taagi doono maamuliyaashaan.

    Kulan Saldhiga Booliska degmada Baydhabo ay ku yesheen dhamaan taliyaasha Ciidamada, laamaha amniga, mas’uulinta gobolka iyo degmada ayaa waxay kaga hadleen in ganacsatada magaalada Baydhabo ay hoos u dhigaan waxyaabaha sara u kaca ku yimid, sidoo kale waxay adkeyeen in si deg deg ah arimahaani go’aan adag ay ka qaadan donaan.

    Iyadoo maalintii afaraad lagu jiro ayaa hadana jirin wax is bedel oo ka muuqda ganacsiga magaalada Baydhabo, shacabka magaalada ayaa dhegaha u haya talaabada dowlad goboleedka KGS ay qaadi doonto.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com