Home » Dowlad goboleedka KG oo digniino horleh u dirtey dadka ku howlan falalka lidiga ku ah Amaanka.

Dowlad goboleedka KG oo digniino horleh u dirtey dadka ku howlan falalka lidiga ku ah Amaanka.

by Weriye Ateera

Walanweyn(CKG)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiyiinta Koonfur Galbeed Cabdulahi Xaaji Xasan Manuur oo fagaare ku yaala degmada walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose kula hadlaayay boqolaal ka mid bulshada degmadaasi ayaa tilmaamay in koonfur galbeed ay ka go’an tahay in cadaalada ay marsiiso dadka ku howlan iney dhawacaan Amaanka Deegaanada maamulka.

Wasiir Cabdulahi xaaji xasan ayaa sheegay in cadaalada sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono dadka dilka sharci darada ka geystay degmooyinka guud ee Koonfur Galbeed.

Waxaaa uu sheegay wasiirka in tusaale wanaagsan ay u noqoto bulshada Degmada walanweyn ee shabeelaha hoose toogasho lagu fuliyey nin Dil bareer u geystay wiil dhalinyaro ah una diley aanooyin qabiil.

Hadalka wasiirka Arimaha gudaha koonfur glabeed Cabdulahi Xaaji Xasan Manuur ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowlad goboleedka ay diirada saaratay digniinaha ay u direyso Ciidamda qeybahooda kala duwan iyo qofkasta oo ku howlan inuu si kam ah u dilo Qof aan waxba galabsan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com