Home » Doorashado kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka ee BFS oo maanta lagu qabtay Baydhabo

Doorashado kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka ee BFS oo maanta lagu qabtay Baydhabo

by CKG Editor

Baydhabo  (CKG) – Guddiga KMG ee doorashooyinka ayaa Axaddii maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop #176.

Kursiga Hop-176 ayaa Deegaan Doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed, kaas oo kamid ahaa kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya.

Kursiga Hop#176 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay kana geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow, hayeeshee ugu dambeyn maanta kursigaas la buuxiyay.

Mukhtaar Maxamed Mursal oo uu dhalay Alle ha u naxariistee Xildhibaankii ka geeriyooday kursigaan ee Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Hop#176 oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Mukhtaar Maxamed Mursal ayaa dhalay Alle ha u naxariistee Xildhibaankii ka geeriyooday kursigaan ee Maxamed Mursal Maxamuud Boorow.

Ugu dambeyn, todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa socday buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka, waxaana qabsoontay doorashada kuraasta kala ah, Hop#147 oo uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, Hop#86 oo horay loogu diiday Fahad Yaasiin & Kursiga HOP#203 oo uu banneeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com