Washington (CKG)- Donald Trump, Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka ayaa wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada Madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.
Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.
Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.
Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.
Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto “dagaalka ruuxda.”
Codkakoonfurgalbeed.com