New York (CKG) – Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, Mr Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in loo xiri doono Talaadada soo socoto dacwad ku saabsaneyd lacag laaluush ah oo isaga laga siiyey haweenay ahayd kuwa jirkooda ka ganacsada oo lagu eedeeyay inuu gogol dhaaf la sameeyay.
Mr Trump ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay ka muddaharaadaan Tallaabada soo socota, qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta bulshada ee Truth.
Mid ka mid ah qareennada Madaxweyne Trump ayaa shegay in sheegashadiisu ku saleysan tahay warbixinno saxaafadeed oo muujinaya in ay suurta gal tahay in toddobaadka soo socda la qabto.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump haddii dacwaddan lagu helo waxuu noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay abid ee taariikhda Maraykanka dambi lagusoo oogo laguna helo.
CodkaKoonfurGalbeed.com