Home » Diyaar Garow Loogu Jiro Soo Dhoweynta Ciidul Adxaa Iyo Suuqyada Baydhabo Oo Mashquul Ah(SAWIRRO)

Diyaar Garow Loogu Jiro Soo Dhoweynta Ciidul Adxaa Iyo Suuqyada Baydhabo Oo Mashquul Ah(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Suuqayad magaalada Baydhabo waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga Ciidul Adxaa oo kaliya ay naga xigto maalmo.

Ciidul Adxa oo Soomaalida ay u taqaano Ciidda weyn ayaa kamid ah Labada faraxadood oo ay leeyihiin umada muslimiinta ah.

Suuqayada lagu iibiyo dharka ayaa ugu badan meelaha ay ka muuqanayaan saansaanta diyaargarowga loogu muujinyo faraxada ciida.

Jawiga suuqyada Baydhabo ayaa ah mid saxmad ku dheehan tahay waxaana la arkayaa dad badan oo diyaar garoobaya Ciidda.

Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo ayaa kamid ah goobaha laga daremaayo saxmadda taasi oo dadka doonaya in maalinta ciidda ay baxsadaan udixida ay iibsanayaan xoolaha ay doonayaan maalintaasi.

Lo’da, ariga iyo geela ayaa ugu badan xoolaha la qasho maalmaha ciiddul adxa kuwaasi oo ku badan keenista suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo.

Qaar kamid ah dulaalinta kala iibiya xoolaha oo la hadlay warbaahinta Codkakoonfurgalbeed.com ayaa waxay ka warbixiyeen dhaqdhaqaaqa suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo.

“Sidaad u jeedaan suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo waxaa ka jira mashquul aad u weyn taasi oo ku aadan u diyaar garowga Ciidda Carafo, dadka waxay iibsanayaan xoolaha kala ah Geela,Ariga iyo Lo’da kuwaasi oo ah xoolaha ugu badan ee maalmaha ciidda la qasho tan kale qiimaha xoolaha aad ayuu u fiican yahay”


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com