Home » Dibadbax ka dhan ah isbeddelka garsoorka iyo xasuuqa lagu hayo Falastiin oo ka dhacay Israel

Dibadbax ka dhan ah isbeddelka garsoorka iyo xasuuqa lagu hayo Falastiin oo ka dhacay Israel

by Weriye Ahmed Yare

Tel Aviv (CKG) – Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Israa’iil, kuwaas oo ka mudaaharaadaya qorshayaasha muranka dhaliyay ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu ay ku dooneyso in ay wax kaga beddesho hay’adaha garsoorka iyo sidoo kale rabshadaha lagu hoobtay oo lagu hayo bulshada reer Falastiin ee ku dhaqan dalkaas.

Dibadbaxyadaan oo socda todobaadkii 23-aad  waxaa ka qeyb galay ilaa 200,000 oo qof  ,iyagoo  billowday bishii Janaayo wax yar ka dib markii xukuumadda midigta fog ee Netanyahu la dhaariyay.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in aysan ka quusan doonin ilaa ay dowladdu baabi’iso isbeddellada sharci ee la soo jeediyay halkii ay dib u dhigi lahayd.

Michal Gat oo 47-jir ah,isla markaana ka socda ururada shaqaalaha oo ka hadlay bartamaha Magaalada Tel Aviv ayaa yiri: “Dalkayaga waxaa qabsaday dad aad u daran, waa nala haystaa aad ayeyna muhiim u tahay in dadka Israa’iil ay ku dhagaan dimuqraadiyadd”.

Si kastaba, qaar ka mid ah dadka mudaaharaadka ayaa sidoo kale watey boorar ay ku dhaleeceynayaan waxqabad la’aanta dowladda ee ku aaddan mowjadaha dambiyada ee sii kordhaya ee saameeyay muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa’iil.

CodkakoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com